Sayid Ciise Masiix Waa Ku Jecelyahay Adiga!

Haa runtii aadbuu inoo jecelyahay Isaga
Walaal qaali ah, Soo Dhawoow
waad garanaysaa in jacaylku uu yahay wax aad u qiimo badan. Laakiin Kitaabka Quduuska ahi wuxuu muujinayaa wax lala yaabo: jacaylka Sayid Ciise ma aha oo keliya naxariis, waa jacayl qoto dheer, Ilaahnimo leh, oo qof walba si gaar ah ugu socdo. Waa jacayl beddeli kara noloshaada.
Aan eegno waxa Kitaabka Quduuska ah ka sheegayo jacaylka Sayid Ciise iyo waxa uu adiga maanta kuu yahay.
- Ciise Wuu Ku Jeclaa Kahor Intaadan Isaga Aqoon
Kahor intaanad adigu dhallan, Ciise wuu ku jeclaa. Jacaylkiisu wuxuu ku salaysan yahay isagu wuxuu yahay, ee ma aha waxa aad qabatay.
“19Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday.” — 1 Yooxanaa 4:19
“5Intaanan uurkii hooyadaa kugu abuurin ayaan ku iqiin,.” — Yeremyaah 1:5
- Jacaylka Ciise Wuxuu Ku Muuqday Is-Dhiibidda Noloshiisa
Ciise ma uu dhihin keliya, “Waan ku jeclahay,”—wuuse cadeeyey. Wuxuu noloshiisa u bixiyey si uu adiga kuu badbaadiyo. Oo isagoo kaliyaa ahaa wadada Ilaah u doortay inuu nagu badbaadiyo (sida Ilaah u doortay oo u qadaray inaan adiga iyo anigaba uga dhalano isu taga waalidkeen oo kaliya) waayo isaga kaliyaa ah qurbaanka dhaahirka ah ee bixin karey qaamaha dambiyadeena
“13Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis..” — Yooxanaa 15:13
“8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey. — Rooma 5:8
- Sayid Ciise waa Jecelyahay Dhammaan Dadka – Xataa Dembiilayaasha
Diimaha badankooda waxay yiraahdaan qofku waa inuu wanaagsan yahay si Ilaah u aqbalo. Laakiin Ciise wuxuu u yimid inuu badbaadiyo kuwa lumay.
“10Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.” — Luukos 19:10
“31Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. 32Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid..” — Luukos 5:31–32
- Jacaylka Sayid Ciise Waa Mid Aan Dhamaanayn
Jacaylka banii’aadamka wuu is beddelaa, dhamaada, laakin jacaylka Ciise waligiis ma dhamaado. Waxa uu ballan qaaday inuu la jiri doono kuwa isaga rumaysta weligood
35Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?
38Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa’igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, 39ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
Rooma 8:35, 38–39
oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
— Matayos 28:20
- Ciise Wuxuu Kugu Martiqaadayaa Jacaylkiisa Shaqsiyan
Ciise kuguma wacayo diin iyo sharci balse wuxuu kugu casuumayaa xiriir toos ah oo aad la yeelato Ilaaha nool.
“28Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. .” — Matayos 11:28
“20Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn..” — Muujintii 3:20
Gunaanad:
Walaal qaali ahow,
Jacaylka Ciise ma aha oo keliya mid Masiixiyiinta u gaar ah. Wuu kuu furan yahay adiga. Wuu ku garanayaa. Wuu ogyahay baahidaada. Wuu kuu naxariisanayaa. Wuuna ku jeclahay. Wuuna rabaa inuu dhayo boogahaaga iyo inuu ku bogsiiyo, runtii kolkaad aaminto waxaad dareemi doontaa wax aadan weligaa dareemin,
“16Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah” — Yooxanaa 3:16