Miyuu Sayid Ciise Masiix yiri I caabuda, anigaa Ilaah ahe?
Walaal, waan fahmi karnaa sababta aad su’aashan isu waydiisay — Muslimiinta badankood waxay filayaan in haddii Ciise Ilaah yahay uu si toos ah u yiraahdo erayadaas. Laakiin nebiyada runta ah inta badan waxay wax ku cadeeyaan ficiladooda, magacyadooda iyo awoodda Ilaah uu siiyay, ma aha kaliya hal jumlad.
Haddii Ciise Ilaah yahay, looma baahna inuu ku yiraahdo jumlad kaliya Wxaan ahay Ilaah balse waa in la helo ama la arko waxa Ilaah u gaarka ah amaba waxa aanan nabi sameyn karin xitaa nabiyada ugu waaweynaa (dadkii reer banii israa’iil qarnigii koowaad) si cad ayey u fahmeen.
-
Sayid Ciise wuxuu sheegtay wixii kaliya Ilaah sheegan karo
Yooxanaa 10:30 — “30Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay..”
dadkii reer banii israa’iil ee berigaa joogay way fahmeen in tani ay tahay sheegasho uu iska dhigayo Ilaah — sidaas darteed ayay doonayeen inay dhagaxaan ku dilaan.
Yooxanaa 10:33 —“33Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso”.
Yooxanaa 8:58 — “58Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.”
“ANIGA AHAY” waa magaca Ilaah uu isugu sheegay Buugga Baxniintii 3:14
14Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa’iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray. (“ANIGA AHAY kan AH”).
Dadkii reer banii Israa’iil way garteen in Ciise sheeganayo magaca weligiis ah ee Ilaah.
-
Ciise wuu ogolaaday in isaga la caabudo — taas oo Ilaah o kaliya mudan yahay
Matayos 14:33 — Markuu Ciise dabaysha dejiyey, “33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah..’”
Sayid Ciise Masiix Wuu aqbalay iney isaga caabudaan — laakiin nebiyadii runta ahaa way diidi lahaayeen haddii aysan Ilaah ahayn Falimaha Rasuullada 14:11, 14-15—
11Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka’oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg
14Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Markale mid kamid xirtii Ciise ayaa sidaan yiri
Yooxanaa 20:28 — Toomas wuxuu ku yiri Ciise, “28Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow!” Sayid Ciisena ma diidin.
Sayid Ciisena kama celin ee balse waaku dhiiri geliyay.
-
Sayid Ciise Masiix ayaa dembiyo cafiyey — taas oo Ilaah kaliya awoodo
Markos 2:5-12 — Ciise ayaa nin curyaan ahaa ku yiri, “ 5Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay, ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, dembiyadaadu waa cafiyan yihiin. 6Laakiin halkaa waxaa joogay qaar culimmada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikirayay, oo waxay isku yidhaahdeen, 7Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee? ”
8Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan? 9Iyamaa hawl yar, in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco? 10Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), 11Waxaan ku leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 12Kolkiiba wuu kacay oo sariirtiisii qaatay; wuuna baxay dadkii oo dhan hortooda, sidaa darteed ayay la wada yaabeen, wayna ammaaneen Ilaah, oo waxay yidhaahdeen, Weligayo sidan oo kale ma aannu arag.
-
Sababta uusan u dhihin “Anigu Ilaah baan ahay” si toos ah