Waa Kuma Sayid Ciise?

Waa kuma Sayid Ciise Masiix?

Soo dhawoow walaal!


walaalaha Muslimiinta ah Sayid Ciise Masiix waxay u yaqaanaan (Nabbi Ciise) iyo marar qaar inuu yahay mid muhiim ah. Waxaad aaminsanyihiin inuu ka dhashay Maryan iyadoon nin arag alam ama gogol la seexan, iyo inuu mucjisooyin sameeyey, iyo inuu ahaa Nabi Ilaahay ka yimid. Dhammaan waxaas Kitaabka Quduuska ahi wuu xaqiijinayaa – laakiinse wuxuu intaas ku darayaa run weyn oo kale: Ciise waa Badbaadiyaha iyo Kalimatullaahi (Ereyga Ilaah).

 

1. Ciise wuxuu ku dhashay bikrad — Mucjiso

Muslimiintu waxay aaminsan yihiin in Ciise uu ku dhashay Maryan iyadoo bikro ah. Kitaabka Quduuska ah sidaas oo kale ayuu dhahayaaa:

23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta,

Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu’eel;

kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

— Matayos 1:23

Tani waxay muujinaysaa in Ciise uusan ahayn qof caadi ah—laakiin uu Ilaah si toosa uga yimid

 

 

2. Ciise waa Kalimatullaah iyo Ruux Ilaah ka yimid

Qur’aanku wuxuu ku magacaabaa Ciise “Kalimatullaah” iyo “Ruux ka yimid Ilaah.” Kitaabka Quduuska ahna sidaas buu dhahaa:

1Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. 2Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.

14Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.

Yooxanaa 1:1,14

Tani waxay muujinaysaa in Ciise uu jiray weligiis—oo uusan jiritaankiisu kasoo bilaaban waqtiga dhalashadiisa

3. Ciise wuxuu sameeyey wax aan Nabi kale samayn

Ciise wuxuu daweeyey bukaano badan isagoon baryo gaara sameyn, wuxuu soo sara kiciyey kuwii dhintay, wuxuuna cafiyey dembiyada—taas oo muujinaysa awood ka weyn tan nebiyada.

 ‘Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay, ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, dembiyadaadu waa cafiyan yihiin. ‘

10Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi),
Markos 2:5,10

Kaliya Ilaah baa dembiyada cafin kara, oo Sayid Ciisena sidaas buu yeelay. Hadaba waa kuama ?

4. Ciise wuu dhintay si uu dembiyadeenna kafaaragud ugu noqdo

Qaar badan ooMuslimiin ahi waxay aaminsan yihiin in Ciise uusan dhiman, laakiinse Kitaabka Quduuska ah si cad buu u sheegayaa:

3 Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay, 4waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.

1 Korintos 15:3-4

Ciise wuu is dhiibay si uu noo badbaadiyo. Isagu dembi malahayn, laakiinse dembiyadeenna buu qaaday. Si uu inaga Ilaah inooga raali noqdo

 

 

5. Ciise wuu soo sara kacay – wuu nool yahay

Intuu dhintay kadib, Ciise wuu ka sara kacay xabaasha. Waxaa arkay dad badan oo markhaati noqday.

“Maxaad kuwa nool uga raadinaysaan kuwa dhintay dhexdiisa? Isagu halkan ma joogo – wuu soo sara kacay!”
Luukos 24:5-6

6Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.

1 Korintos 15:

 

Kawahani waa caddaymo muujinaya inuu isagu yahay Wiilka Ilaah, (kan Ilaah ka yimid ama ka dhashay Ruuxa Ilaah ama Ereyga Ilaaha nool) oo nolosha iyo dhimashadana awood u leh

 

6. Ciise waa Jidka keliya ee Ilaah loogu tago—kula heshiin karno Ilaah

Ciise ma aha kaliya mid tilmaama jidka—laakiin Isaga qudhiisu waa Jidka. Ninna Ilaah raali ahaanshihiisa ma heli karo inuu aqbalo oo rumeysto sooriyada Sayid Ciise Masiix uu istilaabta dusheeda inoogu bixiyay mooyee ,

6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.Yooxanaa 14:6

Waa casuumaad furan—ma aha diidmo, ee waa wado badbaado oo qofkasta u furan,

 

7. Ciise wuu soo noqon doonaa – wuxuu xukumi doonaa dadka

Muslimiinta iyo Masiixiyiintaba waxay aaminsan yihiin in Ciise dib u soo noqon doono. Kitaabka Quduuskana sidan ayaa ku qoran:

31maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.Falimaha Rasuullada 17:31

Markuu soo noqdo, wuxuu noqon doonaa Xukumiye iyo Boqor, ma ahan keliya Nabbi.

 

Martiqaad Jacayl Ku Salaysan

Walaal Qaali Ahoow ,
Ciise ma aha kaliya Nabi—wuxuu yahay Eraygii Ilaah, Badbaadiyaha, iyo Wiilka Ilaah ee Nool. Wuuu ku jecel yahay. Wuxuu u dhintay inaga darteen. Wuxuu kugu casuumayaa inaad rumaysato, oo aad badbaado hesho.

13Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa(qirtaa), waa badbaadi doonaa.

Rooma 10:13