Wax Naga Ogoow
Kibistanolosha waa madal ay aasaaseen 2017 dii dhalinyaro Soomaaliyeed oo iska wax u qabso ugu adeega Rabbigooda Sayid Ciise,
waxaanu ku baahinaa kaliya wax ku saabsan Ereyga Ilaaha si gaara wax ku saabsan Nimcada Injiilka Sayid Ciise Masiix.
Maxaan Rumeysannahay ?
Waxa aan Aaminsanahay
Waxaan nahay walaalo Masiixi Soomaali ah oo aan lahayn maamul-diimeed gaar ah, waxaan ku midoownay runta Ereyga Ilaah iyo baaqa Rabbigeenna Ciise Masiix. Kuma xirnin mad-hab gaar ah, balse waxaanu haysannaa iimaan ku sugan aasaaska aayadaha Kitaabka Quduuska ah.
- Kitaabka Quduuska ah waa Ereygii Ilaah
Waxaan aaminsanahay in Kitaabka Quduuska ah (Axdiga Hore iyo Axdiga Cusub) uu yahay mid uu Ruuxa Quduuska ah waxyooday, aan khalad lahayn, oo uu yahay xukunka ugu dambeeya ee wax kasta oo la xiriira iimaanka iyo nolosha.
“16Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; 17in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan..” — 2 Timoteyos 3:16-17
- Hal Ilaah Oo run ah– Saddexnimada Ilaah
Waxaan aaminsanahay in Ilaah uu yahay mid keliya, weligii jiray, kaasoo isu kaaya muujiyay sedexnimo: Aabbaha, Wiilka (Sayid Ciise), iyo Ruuxa Quduuska ah.
“ 19Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, ” — Matayos 28:19
- Sayid Ciise Masiix waa Rabbiga iyo Badbaadiyaha
Waxaan aaminsanahay in Ciise Masiix uu yahay Wiilka Ilaah, Ilaah buuxa iyo bini’aadan buuxa, oo ka dhashay Maryama oo bikrad ah, noloshiisuna ahayd mid dembi la’aan ah, wuxuuna u dhintay dembiyadeenna. Wuxuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, waana la sara kiciyey, haatanna wuxuu fadhiyaa gacanta midig ee Aabbaha.
“12Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.” — Falimaha Rasuullada 4:12
- Badbaadada waa nimco lagu helo rumeysad
Waxaan aaminsannahay in qofku uu badbaado amaba raali ahaanshaha Ilaah lagula kulmi karo ku helayo keliya nimcada Ilaah, taasoo ku timaada rumeysadka Sayid Ciise Masiix wixii uu istilaabta ku sameeyey . Ma aha camalkeena ama ku dhaqanka diinteena inaan ku heleeno raali ahaanshaha Ilaah, balse waa hadiyad Ilaah oo lagu helaayo rumeysad.
“8Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, 9laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin. .” — Efesos 2:8-9
- Ruuxa Quduuska ah ayaa xoogeeya rumeystayaasha
Waxaan aaminsanahay in qof kasta oo rumeystaa Sayid Ciise helaayo Ruuxa Quduuska, kaas oo ka caawinaya nolosha cusub iyo ku koritaankeeda, u adeegida Ilaah iyo dadkiisa, iyo markhaatifurka.
“8Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.” — Falimaha Rasuullada 1:8
- Kaniisaddu waa Jirka Masiixa
Waxaan aaminsannahay in rumeystayaasha Sayid Ciise Masiix ay kamid yihiin jirka Masiixa, oo hadaan si kale u dhahno ah bulsho hal jir kuwada taala amaba xubno kawada tirsan hal jir, looguna yeeray inay is jeclaadaan oo Ilaah caabudaan, oo dadka kale la wadaagaan warka wanaagga eek u saabsan Nimcada Ilaah iyo jaceylkiisa
“ 4Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, ” — Efesos 4:4-5
- Soo Laabashada Ciise iyo Nolosha Weligeed ah
Waxaan aaminsanahay in Ciise Masiix uu soo noqon doono si uu u xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintay. Kuwa aaminka ahna waxay la noolaan doonaan Ilaah weligood; kuwa diidayna ay la kulmi xukun iyo ciqaab
“16Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa’igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, 17dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa. 1 Tesaloniika 4:16-17
Hadafkeena!
1. in dhamaan ummada Soomaaliyeed ay maqlaan Warka Wanaagsan ee ku saabsan Sayid Ciise Masiix.
2. in Soomaali kasta oo Masiixi ah meel kasta uu aduunka ka joogo fursad u helo inuu Ereyga Ilaah barto